Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Odayaasha Dhaqanka Awdal

Boorama, (HCTV) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefdi uu hoggaaminayey oo ku sugnaa magaalada Boorama ayaa kulan ku saabsanaa Amniga waxa uu ku soo gabogabeeyey magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

Kulanka uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu ku soo afmeeray ayaa daba socday kulamo dhawr ah la xidhiidhay amniga oo uu madaxweyne ku xigeenku maalmihii u dambeeyey ku hawlanaa oo la yeelanayey qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ku soo dhamaaday si guul ah, waxaana laga soo saaray go’aamo kulankaasi madaxweyne ku xigeenka iyo madaxda dhaqanka ay jilbaha isku dhigeen magaalada Boorama.

Dhawaan ayay ahayd markii waxgaradka Gobolka Awdal ay wadahadal ku soo afjareen Jabhad lagaga dhawaaqay Gobolka Awdal.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.