Halkay Maraysaaa Qaban-qaabada Bandhigga Buugaagta Laascanood ?

Laascaanood (HCTV) – Bandhigga buugaagta ee Laascaanood ”Lascanod Book fair” oo munaasabadeedu ay ka qabsoomi doonto magaalada caasimadda u ah Gobolka Sool ee laascaanood ayaa qabanqaabadeedu tahay mid si weyn looga dareemayo xaruntaa, waxaana qabanqaabada gacanta ku haya ”MIDHSOOl” oo loo soo gaabiyey naadi ay ku midoobeen dhammaan Akadamiyadaha ka jira Gobolka Sool.

Cismaan Cabdinuur Xaashi (khaliifka) oo ka mid ah hawlwadeenada u xilsaaran dejinta barmaamijyada iyo habsami u socodka qaban-qaaabada Laascaanood Book Fair ayaa ka warramay siday hawshu u socoto waxaanu yidhi “Waxaa si habsami ah u socota si weyna looga dareemayaa xarunta laascaanood ee Gobolka Sool qabanqaabada qabsoomida ”Lascanod Bookfair” munaasabadeeda oo ku muddeysan inay qabsoonto bishan sanadkan u danbaysa ee decembar 10-keeda , waxaana qabanqaabinta u xilsaaran Akadamiyadaha ka jira Gobolka Sool naadi ay ku midoobeen oo loo soo gaabiyey ”MIDHSOOL”, waxaana kulanka maalintaa loo cayimey ku casuuman inay ka soo qaybgalaan inta ku hadasha luqadda Afka soomaaliga, kuwaas oo isaga imaan doona dalka gudihiisa iyo dibeddiisa, waxaanay isugu jiraan, Acedemiyada afka soomaaliga ee xarumaha ku leh dalka iyo dibadiisa, Hay’adaha cilmi-baadhisaha ee xarumaha ku leh dalka gudihiisa iyo dibadiisa, Qalinleyda iyagu luqada afka Soomaaliga raaca, Suugaanyahanada, Aqoonyahanada, Jaamacadaha wakiilo ka socda, Waxgarad, Iyo cid kasta oo danaynaysa munaasabadan aan soo sheegay inay ka soo qayb gasho.”

Khaliifku waxa kale oo uu sheegay “Waa maalin bulshada deegaankan u ah maalin weyn isla-markaana ay shacabka gobolkani ku jiraan u diyaargaroobida soo dhaweynta marti sharafka maalmahaa martida u ahaan doona”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Munaasabadan ka qabsoomi doonta magaalada laascaanood ee ”Lascanod Bookfar” waxaa maalgelisay Hay’adda Samafalka ee ‘’ STEADFAST VOLUNTARY ORGANIZATION (SVO), taasoo ka hawlgasha Geeska Africa, isla-markaana xarumo ku leh Laascaanood, Hargaysa, Jigjiga, Addis Ababa, Nairobi, sidaa awgeedna ay hay’adda iyo saraakiisheeda sare sare oo uu hormuud ka yahay Guddoomiyaheeda Ceo, Abdikarem Said Abdi ay isla gudoonsadeen inay qabtaan hay’ad ahaan BANDHIGGA BOOK FAIR ka, iyaga oo guddooonka ay isla qaateen ka dib isla qaatay inay u xushaan in goobta ay ku qaban doonaan isla-markaana ay u xusheen noqoto xarunta laascaanood ee Gobolka Sool, waxaanu noqday guddoonkaasi mid ay la qaataan maamulka gobolka ee heer degmo iyo heer gobolba. Run ahaantiina shacabka magaalada laascaanod iyaga oo ka jawaabaya martigelinta maalintaa ay maalmaha koobani ka dhimani yihiin ayaanay iyagana nasasho u lahayn, taas oo sababtay in laga dareemo qabanqaabada bandhigga buugaagta ee ‘’lascanod Bookfair” , iyada xaruntan laascaanood iyo gobolkeeduba ay caan ku yihiin martigelinaha sidan oo kale u leh miisaanka, insha alaahuna waxaanu rajeynaynaa inay si sharaf iyo maamuus xusuus-reebta ku soo dhamaata’’ ayuu yidhi khaliif cismaan cabdinuur xaashi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka