Qaramada Midoobay Oo Somaliland U Soo Jeedisay In La Ixtiraamo Xorriyadda Hadalka

New York (HCTV) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan oo shalay khudbad ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay muhiim tahay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyo sharciga doorashada, dibna u eego sharciga xisbiyada bisha December.

Waxaa kale oo uu sheegay inay muhiim tahay in la furfuro masraxa siyaasadeed, isla-markaana ay dadku fikirkooda dhiiban karaan, isna abaabuli karaan.

James Swan waxa kale oo uu khudbadda uu ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku soo hadal-qaaday Doorashooyinka Somaliland iyo Wada-hadallo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya.

Mr. James Swan oo arrimahaa ka hadlayaana uu yidhi “Hargeysa iyo Muqdisho waa inay u soo jeedsadaan baahiyaha Shacabkooda oo ay xoogga saaraan, waana inay dhegaha u furaan Dedaallo cusub oo lagu dhiiri-gelinayo Wada-hadal..”

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wataa wuxuu si gaar ah uga hadlay Doorashooyinka Baarlamaanka oo uu sheegay in la filayo inay qabsoomaan Sannadka dambe “Iyadoo la filayo in Doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland la qabto sannadka 2020-ka, Hargeysa waxa looga baahan yahay oo muhiim ah in la ixtiraamo xorriyatul-qawlka iyo xuquuqda Aadamaha.”ayuu yidhi, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalka Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka