BAYAAN: Xisbiyada Mucaaridka Oo Qaadacay Muddo Kordhinta Wakiilada Loo Sameeyey

Hargeysa, (HCTV ) – Labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI ayaa si wadajir ah u qaadacay muddo kordhinta golaha Guurtiddu u samaysay golaha Wakiiladda Somaliland, waxaanay xuseen in aanay marnaba aqbali doonin inay la shaqeeyaan xubnaha komishanka doorashooyinka illaa inta ay ku jiraan xubnaha aan buuxin shuruucda gudida doorashooyinka.

Shir deg deg ah oo ay maanta yeesheen waxay ka soo saareen bayaan ay kaga hadlayaan muddo kordhinta loo sameeyey Baarlamaanka iyo xaaladda guud ee dalka uu marayo.

War-saxafaadeedkan oo si wada jir ah usoo saareen labada xisbi mucaarad waxa uu u qornaa sidan:

Shir ay maanta iskugu yimaadeen labada xisbi ee WADDANI iyo UCID oo aanu kaga jawaabay xaaladda tagan ee dalku ku jiro waxay u qornayd sidan:

  1. Sida la wada og yahay golaha Guurtidu waxay fadhiyeen 24 sanadood oo doorasho la’aan ah,iyadoo muddo xilleedkii loo doortay uu ahaa lix sannadood, halka golaha Wakiiladuna ka fadhiyaan 14 sanadood, iyadoo muddo xileedka loo doortay uu ahaa shan sanno, waxa nasiib daro ah in maanta muddo kordhin kale loo sameeyo.Waxay labada xisbi daadafaynayaan oo aanay sinaba u aqbali doonin muddo kordhinta sharci darada ah ee gacan ku rimiska ah ee saaka ka soo baxday golaha Guurtidda.
  2. Waxay labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI waxa u cadaatay in madaxweynuhu taladii maroorsaday, dastuurkii iyo xeerarkiina si badheedh ah ugu tuntay dalkiina ku maamulayo hanaan kalitalisnimo ah.
  3. xisbiyada UCID iyo WADDANI waxay cod dheer bulshada reer Somaliland ugu cadaynayaan in aanay wax wada shaqayn ah la yeelan doonin komishanka doorashooyinka illaa inta laga saarayo xubnaha aan buuxin shuruudihii sharcigu dhigayey.
  4. labada xisbi ee UCID iyo WADDANI waxay sameeyeen guddi wada jir ah oo ka soo tallo bixiya talaabooyinka lagaga hortagayo muddo kordhinta danaha siyaasadeed ku timid iyo tallo maroorsiga ee baalmarsan soojeedintii ay isla garteen daneeyeyaashii doorashada oo ahayd muddo kordhin farsamo ahaanayd oo ahayd toban bilood.
  5. Waxay labada xisbi si wada jir ah u cambaaraynayaan xadhig kasta oo sharci daro ah oo muwaadiniinta lagula kacay iyo weerarkii ku dhacay xisbiga WADDANI ee lagu qabsaday xaruntiisa laguna xidhay masuuliyiintii sarsare iyo taageerayashiisiiba, waxay labada xisbi ka digaynaa sii socodka arrimahaasi inay dalka gaadhsiin karto xaalad aanay ka soo kaban Karin.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa sheegay in aan wax tallo ah laga waydiin muddo kordhintaasi, isla markaana ay ka hor imanayso sharciga dalka u yaalla.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.