Madasha Wadatashiga Oo Kasoo Horjeestay Muddo Kordhinta Golayaasha Baarlamaanka

Hargeysa, (HCTV) – Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka soo horjeedsaday muddo kordhin Golaha Guurtidu ay laba sanadood ugu kordhiyeen Golaha Wakiilada, halka Guurtida laftigooduna ay isku kordhiyeen mudo saddex sanadood ah.

Sidoo kale Siyaasiyiinta Madasha Wadatashigu waxa ay sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi uu aqbali waayey ergo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhexwadeen xisbiyada mucaaridka oo iyagu ku kala aragti duwanaa xubno loo soo xulay komishanka doorashooyinka Somaliland.

Ugu Horayn Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Xisbiyadii ma shaqaynayaan oo wixii ay ku khaldamaan Golihii Baarlamaanku kama hadlayo, xukuumadiina waxaad moodaa inay isku afgarteen oo ay ku heshiis yihiin mudda kordhintan labada gole.

Guurtida malaha todoba xubnood ayaa ka noolayd markii iigu dambaysay kuwii la soo magacaabay, waxa laga dhigay in caruurtoodii ay dhaxasho, sharci ay sidaasi ku qorantahayna ma jirto, markaa waxaan leeyahay Golihii Wakiilada mudo xileedkooda waxay ka dhamaatay 2010-kii mudadii loo dhaariyey xilka ee shanta sanadood ahayd, kolkaa ilaa wakhtigaasi waxay ku fadhiyaan sharci daro,” ayuu yidhi Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi.

Sidoo kale Siyaasi Xasan Guure oo ka mid ah Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waa qalad in la kordhiyo oo laba sanadood loogu daro, markaa Golihii Wakiiladu way 20-jirsanayaan, waliba waxaynaan hubin hadii labadan loogu daro inay doorashadu qabsoomayso,” ayuu yidhi Siyaasi Xasan Guure.

https://www.youtube.com/watch?v=8bQYTLpYQOg

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.