Miisaaniyadda 2020: Wasiir Sacad Oo La Kulmay Guddida Dhaqaalaha G/Wakiilada

Hargeysa, (HCTV) – Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta kulan la yeeshay guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, kulankan Wasiirka Maaliyada iyo Guddi hoosaadkaasi dhexmaray ayaa lagaga hadlay miisaaniyada 2020-ka oo la filayo in la ansixiyo maalinta barito.

Kulankan guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Baarlamaanku ay la yeesheen masuuliyiinta Wasaarada Horumarinta Maaliyada oo uu horkacayey Wasiir Sacad Cali Shire oo saxaafadu ay dibad joog ka ahayd ayaa waxa faahfaahin ka bixiyey kulankaasi wixii la iskua soo qaaday Gudoomiyaha Guddida Dhaqaale ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cumar Sanweyne iyo Wasiirka Maaliyada ugu horayna Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha oo arintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Wasiirku waad ogaydeen wuxuu yimid golaha oo waxa uu ka akhriyey odoraskii Miisaaniyada iyo waxyaabihii ku jiray, markaa anaguna guddi dhaqaale ahaan dib ayaanu u eegnay Miisaaniyadii, waana sida uu anaga sharcigu na siinayo.

Markaa mar labaad ayaanu wadahadalnay Wasaarada Maaliyada oo uu horkacayo Wasiirka iyo Agaasimaha Guud oo hadana aanu isla eegnay Miisaaniyadii, waxyaabihii aanu u baahnayn in aanu ogaano oo tafsiir ahna waanu kala qaadanay, sidaas ayaanu golaha Wakiilada ku horgaynaynaa Miisaaniyada 2020-ka. Waxaan idiin sheegaynaa oo aan ummadda u sheegayaa in wax cashuur ah oo la kordhiyey aanu jirin sanadkaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland.

Sidoo kale Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland, Dr Sacad Cali Shire oo isaguna warfidiyeenada kula hadlay Gudaha Golaha Wakiilada markii kulanka ay la yeesheen guddida dhaqaaluhu uu soo dhamaaday ayaa waxa uu yidhi “Siduu guddoomiyuhu sharaxay, kulankayaga maantu wuxuu ka mid yahay geedi socodka miisaaniyada la horkeeno golaha, Arinkaas oo ka bilawda marka Miisaaniyada la soo sameeyo inay horkeento golaha oo ay ka sharaxdo, goluhuna uu su’aalo ka waydiiyo wixii uu uga baahan yahay.

Talaabada labaadna waxa weeyi in marka Miisaaniyada la qaybqaybiyo fadhiga hore in guddidani ay u yeedho Wasaarada oo ay kala hadasho waxyaabaha u baahan faahfaahin ama ay su’aalo ka qabaan.

Talaabada saddexaadna waxa weeyi in golaha mar kale lagu celiy oo dabka adeedna sidaa lagu ansixiyo, markaa tani waxay ka mid tahay uun talaabooyika loo maro sanad walba marka Miisaaniyadda la ansixinayo,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland, Dr Sacad Cali Shire.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.