Somaliland: Golaha Wakiillada Oo 2 Sano Loo Kordhiyey Iyo Guurtida Oo 3 Isku Kordhiyey

Hargeysa (HCTV) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa Golaha Wakiillada u sameeyay Muddo kordhin 2 sannadood ah.

Fadhigii Saaka ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Guddomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa laga hor akhriyey soo jeedin ah in muddo 2 sanadood ah loo kordhiyo Golaha Wakiillada, maaddaama oo ay qabsoomi wayday doorashadii lagu beddeli lahaa ee Xildhibaano cusub lagu soo dooran lahaa, markaasi ka dibna waxa Guddoomiyuhu cod geliyey soo jeedintaasi.

Markii Guddoomiyuhu codsaday in Gacanta loo loo taago soo jeedinta ah in mudaneyaasha Golaha Wakiillada loo kordhiyo muddo 2 sanadood ah, ayaa waxa gacanta taagay oo ogolaaday 70 Xildhibaan, waxaana sidaa ku dhaqan-galaya muddo kordhitaasi.

Sidoo kale, Isla fadhiga Saaka waxa muddo 3 sanadood ah isku kordhiyey Golaha Guurtida Somaliland.

Waa markii lixaad ee muddo kordhin loo sameeyo Golaha Wakiillada.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka