“Waxba Yaynaan Isku Qarin Ee Waynu Qaybsan Nahay..” Guddoomiyaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Bulshada Somaliland kala qaybsan tahay, sidaasi darteed loo baahan yahay in Bulshada la mideeyo.

Guddoomiye Saleebaan oo Maanta hadal u jeediyey Mudaneyaasha Golaha Guurtida oo muddo-kordhin u sameeyay dhiggooda Wakiillada ayaa sheegay in Somaliland lagu waday isku tanaasul, laakiin xiligan ay Bulshada kala qaybinayaan Madax-dhaqameedku.

Guddoomiyaha Guurtida oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Qaybin badan baa ku jirta Bulshada reer Somaliland, waxba yaynaan isku qarin ee waynu qaybsan nahay , cabasho badan oo si yar loo bogsiin lahaana waxa lala dootaa Makarafoonnada, Ummad yar oo intan leeg oo Qaybsanina Walaahi in aanay horumar iyo midnimo gaadhi, wax yar baynu nahaye waxaan Ilaahay ka rejaynayaa inuu quluubteena isku soo jeediyo, qabyaalad xun xun baa innaga dilaacday oo qof, Qoys iyo reerba ah, aynu is-dawayno. Isku Tanaasul, isku kalsooni ayaynu ku wadnee oo tiro badan iyo xoolo kumaynaan wadin ee waynu is jeclayn ee aynu isku soo noqono.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Madax-dhaqameedkii Iyo Waxgaradkii Bulshada oo Ilaahay Carrabkooda uu ku salliday Qabyaalad iyo qaybin iyo nacayb abuur, haddii Madaxdii reeruhu ay iyagu inoogu baaqaan qaybinta sidaynu ku heshiinaynaa ? waxaanu ka codsanaynaa inay innaga joojiyaan (Qaybinta)…”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka