“Baashe M. Faarax Wuxuu Xidhiidh La Leeyahay Rag Ka Shaqeeya Duminta Somaliland..” UCID

Hargeysa (HCTV) – Xoghayaha Arrimaha gudaha iyo xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay Siyaasiyiin xilal ka haya Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay inay ka shaqeeyaan sidii ay Somaliland u dumin lahaayeen.

Mr. Ramaax oo Maanta Saxaafadda kula hadlayey Hargeysa ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu Fagaare ka sheegay in Xisbiyadu aanay lahayn Xasaanad Sharci oo ay kaga hadlaan arrimaha dalka ka taagan, laakiin haddii Xisbiyadu yeelan waayaan Xasaanad aanu Baarlamaankuna yeelan doonin.

Ramaax oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu wuxuu yidhi, Xasaanad iyo Sharci malaha wixii ka hadla (Arrimaha taagan) oo la xidhaa, marka Xisbiyadu Xasaanad yeelan waayaan Baarlamaan Xasaanad yeelanayaana ma jiro.”

Xoghayaha Arrimaha gudaha ee UCID wuxuu Guddoomiye Baashe ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay Dad ka shaqaynaya sidii Somaliland u dumi lahayd “Baashe wuxuu Toddobaadkan ku dhawaaqay oo uu yidhi ‘soo eega Xamar’ ma shaqaalaha Xamar ee Farmaajo Maamulo ayuu ka mid noqday mise waa Nin reer Somaliland ah oo ka mid ah Madaxdii Dalka ugu sarraysay..”? ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Baashe wuxuu xidhiidh toos ah la leeyahay oo aanu Caddaynteeda haynaa Rag waaweyn oo ka shaqeeya Duminta Somaliland, kuwaasi oo xilal ka haya Xamar, sidaasi daraadeed marka uu Baashe ka shaqaynayo fidmada halkan (Somaliland) wuxuu fulinayaa sidii ay fidmo dalkan uga dhici lahayd..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka