Madaxweynaha Somalia Oo Xilka Ka Qaaday Xeer-Ilaaliyaha Guud

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday xeer-ilaaliyihii guud ee Somalia Axmed Cali Daahir, waxaanu Madaxweynuhu magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud inuu noqdo xilka Xeer Ilaaliyaha cusub ee Somalia.

Magacaabistan ayaa ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Xeerarka khuseeya dhismaha Golahan, si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee la magacaabay in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa uga mahadceliyay Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka  Axmed Cali Daahir shaqadii uu u soo qabtay dalka iyo dadaalkii uu muujiyey muddadii uu ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.