UK Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqday Inay Degdeg Usii Dayso Masuuliyiinta Mucaaridka Ee Xidhan

Hargeysa, (HCTV) – Madaxa Xafiiska dawladda UK ay ku leeyahay magaalada Hargeysa ee Somaliland, Stuart Brown ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay inay degdeg usii dayso masuuliyiinta xisbiyada Mucaaridka ee xidhan, waxaanu sheegay in dawladda UK ay si qoto dheer uga walaacsan tahay sii socoshada xadhiga Masuuliyiinta Mucaaridka ee Somaliland.

Madaxa Xafiiska dawladda UK ay ku leedahay Hargeysa uu tilmaamay in ay ugu baaqayaan dawladdu inay keento Maxkamadd ama ay sida ugu dhakhsaha badan usii dayso.

Ambassador Stuart Brwon, waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay Twitter-ka, waxaanu intaasi ku daray in ay ugu baaqayaan dhamaan dhinacyadu inay wadahadalada cusboonaysiiyaan iyo inay sii wadaan balanqaadkoodii ahaa inay doorasho Baarlamaan iyo mid gole deegaan ay qabsoonto.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.