Masuuliyiinta Waddani Oo Ka Waramay Sida Loola Dhaqmay Mudadii Ay Xidhnaayeen

Hargeysa, (HCTV) – Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo maanta xabsiga Mandheera oo ay ku xidhnaayeen muddo 9 cisho ah laga soo daayey ayaa warbaahinta uga waramay dareenkooda iyo sidii loola dhaqmay mudadii ay xidhnaayeen.

Barkhad Jaamac Batuun, oo ah Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo Khadar Xuseen Cabdi oo ah xoghayaha guud ee xisbigaasi ayaa galabnimadii maanta dib u helay xoriyadoodii kadib markii ciidamada Bileysku ay xidheen habeenimadii 17-kii bishan oo ay ku dhawaaqeen in taageerayaashoodu ay isugu soo baxaan xarunta Xisbiga Waddani uu ku leeyahay Hargeysa.

Ugu horayn Barkhad Jaamac Batuun oo u waramay Telefishanka HCTV ayaa waxa uu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa cid kasta oo qawl iyo qoraalba noogu hiilisay xadhigaasi xaqdarada ah ee nagu dhacay.

Guud ahaan ummadda reer Somaliland wanaagii ay noo muujiyeen ayaanu ku ilaabaynaa wixii nagu dhacayba, waxaan filayaa in xoghayaha guud uu si weyn uga warami doono xaaladii Jeelka iyo habdhqankii naloola dhaqmay, laakiin waxa aad moodaysay in askartu ay aad noogu adadkayd oo amar sare ay haysatay ama Saldhiga dhexe ha joogaan ama Jeelka Madheera ha joogaane,” ayuu yidhi Barkhad Jaamac Batuun, Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Xadhiga masuuliyiintan ayaa yimid ka dib markii habeenimadii 17-kii bishan ay ku dhawaaqeen in taageerayaashoodu ay isugu yimaadaan xarunta dhexe ee xisbigu uu ku leeyahay magaalada Hargeysa, kuwaas oo ciidamada bileysku ay xabsiga u taxaabeen labadaasi Masuul ee xisbiga Waddani.

Sii daynta Xoghayaha iyo Afhayeenka Xisbiga Waddani ayaa yimid kadib markii ergo iskood isku xilqaamay ay dhexdhexaadin ka galeen siidaynta masuuliyiintaasi iyo khilaafkii ka dhexqarxay Xukuumada Muuse Biixi iyo Xisbiga Waddani.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.