Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay 9 Qof Oo Ka Soo Jeeda Imaaraadka Carabta

Saba-wanaag, (HCTV) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta Xabsiga dhiggay Sagaal qof oo u dhashay dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta, oo la sheegay inay si shari darro ah u Ugaarsanayeen.

Raggaan la xidhay ayaa laga qabtay Garoonka diyaaradaha Cigaal International magaalada Hargeysa, kuwaas oo ku sii jeeday dalkooda, waxaana saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland ay sheegeen in raggaan u dhashay Imaaraadka Carabta ay si sharci darro ah uga ugaadhsanayeen deegaannada Somaliland.

Raggan ayaa  dadweynaha degmada Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka  Maroodi-Jeex oo ah halka ay ku Ugaadhsanayeen  markii hore u sheegay in ay mashaariic u fulinayaan balse  waxaa la ogaaday in ay si sharci darro ah u ugaadhsanayaan.

Somaliland ayaa horay  deegaanneeda uga erisay Kalluumeysato iyo Shaqaalo Ajnabi ah, kuwaas oo ay sheegeen in si sharci  darro ah ay ku joogeen deegaannada Somaliland, iyaga oo sidoo kale ku  amray Ajaanibta ku sugan inay isa-soo diiwaan geliyaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.