Afrika: Roobab 41 Qof Ku Dilay Dalka Congo (Akhri)

Congo (HCTV) – Ugu yaraan 41 Qof ayaa ku dhintay Caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ka dib Roobab si xidhiidh ah halkaasi uga da’ayey habeennimadii u dambeeyay, kuwaasi oo sababay Dhul go’.

Tirada Dhimashada ee ah 41-ka Qof waxa Warbaahinta Caalamiga ah u xaqiijiyey Masuul sare oo ka mid ah Maamulka Caasimadda Congo ee Kinshasa.

“Dadka dhintay iyo Hantida ku burburtay, xaqiiqdii waa mid weyn..” ayuu yidhi, Neron Mbungu oo ah Badhasaab ku-xigeenka Magaalada Caasimadda ah ee Kinshasa, isagoo intaa ku daray in Dadka dhintay ay ku jiraan Carruur, kuwaasi oo qaarkood u dhintay Laydh qabsaday.

Masuulkani wuxuu sheegay in Saddex ka mid ah 26-ka degmo ee Kinshasa ka kooban tahay ay waxyeelo weyni ka soo gaadhay Roobabkaasi sida xidhiidhka ah uga da’ay, meelo ka mi dah Degmooyinkaasna uu dhul go’ ka dhacay.

Neron Mbungu oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay in Kooxaha Gurmadka deg-degga ahi ku hawlan yihiin siday u soo ururin lahaayeen Meydadka ku Geeriyooday Roobabkaasi.

Sidan oo kale, bishii January ee sannadkii hore illaa 50 Qof ayaa ku dhintay Dhul go’ ay sababeen Roobab waaweyn oo ka da’ay Dalka Congo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka