Beesha Caalamka Oo Ka Hadashay Khilaafka Dowladda Federalka Iyo Maamul Goboleedyada Somalia

Nairobi, (HCTV) – Beesha caalamka ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay abuuraan is-afgarad siyaasadeed oo suurto galinaya in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo sanadka 2020-ka dalka Somalia.

Waxaanay Midowga Afrika, Midawga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya ay soo dhoweeyeen shirkii dhawaan dhex maray Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxay sidoo kale soo dhoweeyeen wada-tashiyada u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo inka badan 50 xisbi siyaasadeed, taasoo ah tallaabo wanaagsan oo lagu dhiirrigelinayo wadahadal loo dhan yahay ka hor doorashada 2020-ka.

“Daneenayaasha Soomaaliya waxay dhiirrigeliyeen wada shaqayn buuxda oo dhex marta dowlad federalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, si loo gaadho doorashooyin ku dhaca si nabad ah, xor ah, caddaalad ah, hufan oo la isku halleyn karo”. ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.