Trump Oo Socdaal Layaab Leh Ku Tagay Afghanistan

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dawladda Maraykanku ay sii wadayso wadahadaladii nabada ee ay la lahayd kooxda Daalibaan xili uu socdaal aan la sii shaacin oo layaab leh uu ku booqdday ciidamada dalkiisa ee ku sugan Afghanistan.

Socdaalkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee Trump uu ku tago dalkaasi ku yaala Koonfurta Asia maanta oo Khamiis ah tan iyo intii uu noqday Madaxweynaha, ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xili ay maxaabiis is-dhaafsadeen Maraykanka iyo Afghanistan, taas oo kor u sii qaaday rajadii wadahadalada nabada.

“Taliban waxa ay doonayaan wadahadal, anaguna waanu la qabnaa iyaga, anaga oo leh waa in ay xabad joojin dhacdaa iyo iyaga oo aan doonayn xabadjoojin, balse hada waxay doonayaan xabadjoojin, sida aan rumaysanahay. Taasi inay si wanaagsan u shaqayn doonto,” ayuu Madaxweyne Trump u sheegay war-fidiyeenada.

Sidoo kale Madaxweyne Trump waxa uu u mahadceliyey Amiirka Qadar sidii uu doorka uga qaatay Taalibaan inay sii dayso dadkii ay haysatay.

Horaantii Sanadkan ayay ahayd markii Maraykanku uu heshiis a galay kooxda Taliban, kaas oo dhigayey in Ciidamada Maraykanka laga saaro Afghanistan, si loo soo afjaro dagaalka mudada dheer ka socday dalkaasi si dib loo soo celiyo Amaanka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.