Xiisadd Diblomaasiyadeed Oo Ka Dhex Curatay Faransiiska Iyo Turkiga

Ankara, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaarayn xoogle tusha kagaga tuuray dhigiisa daka Faransiiska Emmanuel Macron oo dhaleeceeyey hawlgalka Milatari ee Turkigu ku qaaday waqooyi-bari Suuriya, ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha Faransiiska nin Maskaxdu dhimatay.

Erdogan ayaa hadalkan sheegay jimcihii maalmo ka hor markii Shirka NATO ay labada hogaamiyeba ka qaybgaeen – taas oo jawaab uu uga dhigayey hadalkii November 7 ka soo yeedhay Macron waraysi uu bixiyey oo uu ku sheegay in gaashaanbuurta uu Masgax guur ku dhacay ama maskaxaan ay u dhimatay, isagoo ula jeeda in aanay jirto wadashaqayn Istaraatajiyadeed oo ka dhaxaysa xubnaha Gaashaanbuurta NATO.

“Waxaan la hadlayaa Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo aan leeyahay tani Waa NATO, marka u horaysa, hubi in maskax ahaan aad u dhimatay, hadalkan oo kale waxa uu ku haboon yahay dadka adiga oo kale ah ee xaalado maskaxeed qaba,” ayuu Erdogan uu ka sheegay hadal uu ka jeediyey Telefishanka.

“Waad ogtahay xitaa sifiican uma bixin kartid NATO. Waxaad tahay qof waalan” ayuu yidhi Erdogan, isagoo la hadlaya Macron.

Kadib hadalka Erdogan, wasaarada arimaha dibada ee Faransiiska ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in safiirka Turkiga Ismail Hakki Musa loogu yeedhay Jimcihii si uu u sharaxo “hadalada aan la aqbali karin … ee aan meel ku laheyn xidhiidhka Turkiga iyo Faransiiska mana bedeli karo wadahadalka lama huraanka ah ee ka dhexeeya labada dal. . ”

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.