Raysal Wasaaraha Ciraaq Oo Is-casilaadiisa U Gudbiyey Baarlamaanka

Baghdad, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Ciraaq Adel Abdul Mahdi ayaa iscasilaadiisa u gudbiyey Baarlamaanka xili ay dalkaasi ka sii socdaan dibadbaxyo dawadda lagaga soo horjeedo oo gilgilay caasimada Baqdaad iyo magaalooyinka koonfurta dalkaasi ku yaala.

Raysal Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay iscasilaadiisia kadib markii uu cadaadis xoogle uu kala kulmay maalin ka dib markii tiro ka badan 40 dibadbaxayaal ah ay ciidamada amaanku dileen.

Iscasiladaa Raysal Wasaaraha ayaa sidoo kale ku soo beegantay kulan degdeg ah oo ay maanta oo Sabti ah ay yeesheen golaha Wasiiradu, halkaas oo wasiiradu ay ku meelmariyeen iscasilaada masuuliyiin kale oo uu ku jiro Taliyaha Ciidamada iyo xubno kale.

Hase yeeshee Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa maalinta barito ah ee Axada u balansan kulan ay ugu codaynayaan inay aqballaan iscasilaada Raysal Wasaare Mahdi iyo in kale.

Tiro ka badan 400 qof ayaa lagu dilay tan iyo intii kacdoonku ka bilaabmay dalka Ciraaq bishii October 1, xiligaas oo kumanaan Ciraaqiyiin ahi ay jidadka qaadeen iyagoo ka cabanaya musuqmaasuq, adeegyada dadweynaha oo hooseeya, shaqo la’aan iyo arimo kale oo tiro badan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.