“Itoobiya Uma Yeedhinayno Inay Soomaaliya La Yeelato Xidhiidh Wanaagsan..” Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay dawladda Itoobiya ku soo wargelisay in si dhaqso ah loo soo magacaabayo qunsulkii dawladda Itoobiya u fadhiyay Hargeysa oo ay jagadiisu banaan tahay dhawrkii bilood ee u dambeeyay.

Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo uu waraysi gaar ah la yeeshay wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, ayaa wuxuu mar kale meesha ka saaray oo uu fikir shakhsi ah ku tilmaamay hadal ay wargeyskan The Reporter hore u siiyeen agaasimayaasha wasaradaha arrimaha dibedda iyo warfaafinta iyo masuuliyiin kale oo walaac ka muujiyay siyaasadda dawladda Itoobiya ee gobalka Geeska Afrika.

Wasiir Faratoon wuxuu sheegay in si dhaqso ay Dawladda Itoobiya u soo magacaabayso Qunsulkii u fadhiyey Magaalada Hargeysa, arrintaana ay ka wada xidhiidheen Dawladda dhexe ee Itoobiya.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu wadaagnaa xuduud, laakiin weli ma aragno wax sidaa muhiim u ah oo saamaynaya xidhiidhkayaga qotada dheer. Somaliland ma aaminsana in Itoobiya dhinac martay..”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in aanay ka xumayn heshiiska ay wada galeen Itoobiya iyo Soomaaliya “Waxba kama qabno heshiiska saddex geesoodka ah ee Itoobiya ay la saxeexatay Soomaaliya iyo Eratariya, umana yeedhinayno in Itoobiya ay Soomaaliya la yeelato Xidhiidh wanaagsan ama in aanay la yeelan. Waxaanu xidhiidh wanaagsan oo dhinac walba ah la leenahay Itoobiya, kamana cabanayno heshiiska saddex geesoodka ah..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Warbaahintu waxay bidhaaminaysaa in banaanshiyaha Jagada Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiyey Somaliland ay sababtiisu arrintaa la xidhiidho, waxaan doonayaa inaan hoosta ka xariiqo in xidhiidhkayaga diblumaasiyadeed mid adag, waxaana la noo sheegay in diblumaasigan dhaqso loo soo magacaabi doono, arrintan waxaanu kaga wada xidhiidhnay diblumaasi ahaan iyo dariiqyo kale…” ayuu Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland uu sidaa u sheegay Wargeyska The Reporter, waxaanu meesha ka saaray Walaac ay muujiyeen masuuliyiin ka mid ah xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Wargeyska hore ula hadlay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Geeska Afrika