AKHRI: Puntland Oo Ka Hadashay Ciidamo Ka Goostay Oo Ku Biiray Somaliland

Taleex (HCTV) – Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa beeniyey in Ciidamo ka mid ahaa Puntland ay ku biireen Ciidammada Somaliland.

Wasiirkii hore ee khayraadka biyaha Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo hadda ah Wasiirka Warfaafinta oo Toddobaadkan gaadhay Magaalada Taleex ee Xarunta Gobolka Xaysimo ayaa halkaa ku soo bandhigay Askar uu ku tilmaamay inay yihiin ciidamadii Puntland ee ku sugnaa deegaanka God-qaboobe ee hoostaga degmada Tukaraq.

Hase-ahaatee, Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Axmed Sabarey ayaa beeniyay in ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugnaa degmada Taleex ay ku biireen dhinaca Somaliland.

Wasiirka warfaafinta oo Garowe kula hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay ciidamada lagu soo bandhigay Taleex inay yihiin maleeyshiyo beeleed loo galiyay dirayska Ciidanka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka