“Gudoomiyaha Baarlamaanku, Dadkii La Soo Doortay Ayuu Isaga Oo La Soo Xambaaray Uu Dusha Ka Saaran Yahay” Faysal Cali Waraabe

Boorama, (HCTV) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlayey madal ay ku kumeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa ka dayriyey xaalada dalku uu ku sugan yahay wakhti xaadirkan.

Gudoomiyaha xisbiga UCID waxa uu ka dayriyey mudo kordhinta loo sameeyey golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka iyo dib u dhaca doorashooyinka oo uu ku tilmaamay mudo kordhin sharci daro ah inay ku fadhiyaan.

Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Maanta dalka taladiisa buuq ayaa ka jira laba sanadood ah oo ah waar doorasho aynu qabano, waar todoba aynu sagaal ka dhigano, ma wax lagu murmaa laba sanadood, ‘todoba aynu sagaal ka dhigano’.

Hada waad aragtaan meesha ay marayso, wixii la odhan jiray sharci waynu iska laabnay, adduunka saddex sharci ayaa lagu socdaayoo, midi waa kii Islaamka oo waynu diidnayoo waxa lagu socdaa kii gaalada, kii inaynu ixtiraamno saw maaha, maynaan ixtiraamin, hadaynu kaa iska duuduubno maxaa inoo yaala, kii dhaqanka Soomaalida oo ah waar hebelow waad gardaran tahaye joog, kiina waynu iska tuurnay, sharic oo dhan ayaynu ku ciyaarnay.

Baarlamaankeenu sharci kuma fadhiyo, Gudoomiyaheena Baarlamaanka lama soo dooran, hada waa gudoomiyihii, dadkii la soo doortay ayuu isaga oo la soo xambaaray uu dusha ka saaran yahay.

Waad ogtihiin Golaha Deegaanku sharci maaha way iska fadhiyaan maxay lacagta kaaga qaadayaan, maxay kuu qabtaan, shan sano ayay ahayd.

Waxa weeyi sharciga inaynu ilaashano weeyaan, sharciga hadaynu ku kala socon wayno, waxba qabsan mayno, wixii inaga xumaadana wadajir ayaynu u samaysanaynaa, qabiil waxba ma sixi karo kaligii, gobolna ma sixi karo, wixii inaga xumaada inaga oo umadd ah (as a nation) ayaynu leenahay waxaasi wuu xunyahee ha la joojiyo,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha xisbiga UCID.

https://www.youtube.com/watch?v=NdSApUDC8S4

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.