Maraykanka Oo Qabtay Hub IRAN Farsamaysay Oo Yemen Loo Sii Waday

Yemen (HCTV) – Madax ka mid ah Dawladda Maraykanka ayaa sheegay in mid ka mid ah Maraakiibta Dagaalka Maraykanka ee ku sugan Gacanka Cadmeed uu qabtay Shixnad Gantaallaha IRAN ah oo loo siday Dagaalyahannada Yemen.

Masuuliyiinta Maraykanku waxay sheegeen inay tahay markii koowaad ee Shixnad Gantaallada noocaas ah la qabto iyaga oo loo sii wado dhanka Fallaagada ka dagaalama Yemen.

Hubkan ayaa waxa sidday oo lagu qabtay doon yar, waxaana qabtay Ciidammada Badda ee Maraykanka ee halkaa ku sugan, sida uu Khamiista Maanta baahiyey Wargeyska The National oo HCTV uu soo xigtay.

War kale oo ka soo baxay Waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagon ayaa lagu xaqiijiyey in Maraakiibta dagaalka ee Maraykanku ay qabteen Gantaalo Casriya oo loo waday Yemen, baadhitaanno lagu sameeyayna la ogaaday in gantaalladaa Asalkooda hore ay IRAN farsamaysay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in illaa hadda baadhitaan lagu wado Gantaallahaasi.

Ciidammada Maraykanka ayaa sheegay in shaqaalihii Doonta lagu qabtay Hubka ay ku wareejiyeen Ciidammada badda ee Dawladda Caalamku aqoonsan yahay ee Yemen.

IRAN ayaa taageerta Kooxda Xuutiyiinta ee dagaallada ka wadda Dalka Yemen isla-markaana weerarrada ku qaadda boqortooyada Sucuudiga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka