Sababta Ay Isku Casishay Wakiilkii Somaliland Ee Dalka Finland (Akhri)

Finland (HCTV)  – Saamiya Muuse oo ahayd Wakiilkii Somaliland u joogay Dalka Finland ayaa xilkaa iska casishay.

Marwo Saamiya Muuse oo muddo dheer ahayd Safiirka Somaliland ee Dalka Finland ayaa sheegtay  inay is-casishay ka dib, markii Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Dr. Faratoon uu ku war-geliyey inay xidho Xafiiska Finland isla-markaana la shaqayso Wakiilka Norway, maaddaama buu yidhi dhaqaale xumo ka jirto Wasaaradda Arrimaha dibedda.

Saamiya ayaa Qoraal ay ku baahisay barta ay ku leedahay Facebook waxay ku sheegtay “Anigoo ah Saamiya Muuse, Wakiilkii Somaliland ee Finland, laga bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04/12/2019, waxaan si rasmi ah isaga Casilay Xilkii Wakiilnimada dalka Finland iyo Guddoomiye-nimadii Ictiraaf-raadinta ee dalka Finland..”

Sidoo kale, Waraysi ay siisay Warbaahinta Gudaha Qaarkood ayay sheegtay in Wasiirka Arrimaha dibeddu u sheegay inaan dhaqaale loo haynin Xafiiskeeda, sidaasi darteedna ay xidho Xafiiskii Finland, lana shaqayso Wakiilka Somaliland ee Norway.

Samiya waxay ku doodday in Xafiiskeeda la hoos-geeyo Xafiiska Wakiilka Norway ay meel ka dhac ku tahay Jaaliyadda Somaliland ee Finland iyo weliba Dawladda Finland oo Somaliland ka rejaynayso xidhiidh wanaagsan iyo Ictiraaf.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka