Kenya: Dabley Gawracday 7 Askari, Dhakhtar Iyo Dad Kale Oo Ay Bas Kala Dageen

Wajeer (HCTV) – 7 Askari oo Boolis ah, Dhakhtar iyo Laba Qof oo kale ayaa lagu dilay Weerar Jid-goyn ah oo ka dhacay Degaanka Wajeer ee Gobolka Waqooyi-bari ee Dalka Kenya.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in weerarka Dadka lagu laayey, sidoo kalena ay dhaawacyo aan cuslayn ka soo  gaadheen Afar Qof, Weerarkaasi oo dhacay Jimcihii Shalay.

Rag Hubaysan ayaa weerarray Gaadhi Bas ah oo u kala safrayaye Kutulo iyo Wargadud oo hoos taga Wajeer, markaasi ka dibna ay Baska joojiyeen Kooxda Weerarka geysatay oo loo tuhunsan yahay Al-shabaab, waxayna Rakaabkii u kala qaybiyeen laba Qaybood, markaasi ka dib ayay Gawraceen Dadkii ay la hadheen oo ahaa 7 Askari, Hal Dhakhtar iyo laba Qof oo kale.

Masuuliyiinta Dawladda Kenya ee Weerarkan ka hadlay ayaa sheegay in Baska Dablaydu joojisay uu siday dad gaadhaya 56 Qof oo Rakaab.

Loyford Kibaara oo ah Madaxa Booliska ee Wajeer oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Askarta Booliska ah ee Weerarkaa lagu laayey ay ka mid ahaayeen Qaybta Booliska u qaabilsan Ilaalada Alaabooyinka, xilliga la dilayna ay ku soo jeedeen Shaqada.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka