Khasaare Ka Dhashay Roobab Dabaylo Wata Oo Ka Da’aya Xeebaha Puntland

Garoowe (HCTV) – Roobab dabaylo wata oo ka da’aya Deegaannada Maamul-gobolleedka Puntland ayaa waxa ka dhashay Khasaare kala duwan.

Illaa hadda waxa la xaqiijiyey ilmo yar oo Qabowga Duufaanta ugu Geeriyooday deegaanka Garmaal oo ka mid ah Puntland.

Sidoo kale, sida wasaaradda Arrimaha guduhu sheegtay deegaanka Qundheed waxa Roobabku dumiyeen 9 Guri, deegaanka Baqbaq waxa roobku dumiyey 7 Guri, waxaanu qaaday Hal gaadhi.

Sidoo kale, Lix Qoys oo deganaa Garmaal wuxuu ka qaaday Xoolihii iyo Deegaanka Eylna uu dhibaatooyin kale oo Hantiyeed gaadhsiiyey.

Warkan oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa hor-dhac ah, maaddaama oo illaa hadda ay Roobabku ka da’ayaan Deegaannada Xeebaha ah ee Puntland.

Roobabkan Duufaanta wata ayaa Maalmihii u dambeeyay looga digayey Dadka Xeebaha Deggan.

La soco Wixii ka soo kordha

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka