Maxkamadda Ciidamada Somalia Oo Xukun Ku Ridday Laba Askari Oo Dil Ku Eedaysnaa

Muqdisho, (HCTV) – Maxkamada Ciidamada Soomaaliya ayaa xukun ku riday Xassan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed oo loo heystaa in ay si badheedh ah rasaas ugu fureen laba gabdhood oo wada saarnaa gaadhi Bajaaj ah oo  mareysay Bar Kontorool bishii September 07 ee Sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Soomaaliya ayaa soo eedeeyay labada eedeysane baaritaan dheer kaddib 16-ka bishii tegtay, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in la muddeeyo dacwad qaadista Xassan Xusseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo loo heysto dilka Istar Axmed Cabdulle iyo dhaawaca dhibane Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo marayay Agagaarka Isbitaalka Masaarida ee degmada Hodan.

Xeer ilaaliya Ku-xigeenka ciidamada qalabka sida dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda u sheegay in labada eedeysane ay ku tala galeen dilka wadaha mootada balse xabad uu riday Xassan Xusseen Maxamed xabad  uu riday ay sababtay geerida Istar Axmed Cabdulle, halka Xassan Muuse Warsame uu  dhaawac u geysatay Faadumo Axmed Cabdulle.

Dable Boliis Xassan Xusseen Maxamed ayeey Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Istar Axmed Cabdulle halka dable Booliis Xasan Muuse  Warsame ay maxkamaddu ku xukuntay Shan Sano oo  xabsi ciidan ah iyo  in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle sida uu  u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute, xukunka waxaa ka furan Rafcaan ku siman Sodon cisha xukunka kaddib.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.