Somali News

Saylici Oo Dawladda Hoose Ee Oodweyne Ku Amaanay Siday U Hirgaliyeen Mashruuca JPLG

By Ahmed Cige

December 08, 2019

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku guda jira kormeerka sannadlaha ah ee mashruuca JPLG, ayaa gaadhay Magaalada Oodweyne ee Xarunta Gobolka Daad-madheedh waxaana uu kormeer indho indhayn ah ku tegay waxqabadka sannadkan ee mashruucaasi islamarkaana ay fulisay Dawladda hoose ee Oodweyne, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisu kormeer ku tageen Cusbitaalka Oodweyne, isla halkaasna uu ku dhagax dhigay qeyb cusub oo lagu kordhinayo dhakhtarkaasi weyn ee Oodweyne, dhanka kale waxa uu dhagax dhigay Waddo 1KM ah oo magaalada dhexdeeda ah taasi oo ay dhisi doonto Dawladda hoose ee Oodweyne.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.