Oslo: Abiy Axmed Oo La Gudoonsiiyey Abaalmarinta Nabadda Aduunka

Oslo, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa la gudoonsiiyey Abaalmarinta Nabadda Aduunka ee (the Nobel Peace Prize) oo la sheegay inuu ku mutaystay doorkii uu ka qaatay xalinta khilaafkii iyo dagaalkii mudada dheer u dhexeeyey labada dal.

Munaasibadda Abaalmarintan lagu gudoonsiiyey Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia oo ka dhacday Oslo ayaa waxa uu yidhi Raysal Wasaaruhu “Anigu waan aqbaay abaalmarintan aniga oo ku hadlaya afka Afka Itoobiyaanka iyo Eritrean-ka, gaar ahaan kuwii sida weyn uga hawlgalay in nabaddi dhalato,’ ayuu yidhi Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia oo hadal ka jeediyey Hall ku yaala Oslo oo ay munaasibadu ka dhacday.

Colaada labada dal dhexmartay ee uu soo afjaray Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayay ku dhinteen tiro ka badan 80,000 qof, halka ay kumanaan kalena lagu khasbay inay guryahooda ka cararaan dagaal laba sanadood kadib qarxay markii ay labadaasi dal ee Ethiopia iyo Eritrea ay kala go’een sanadkii 1998.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.