Al-shabaab Sheegtay Inay Weerarkii Huteelka SYL Ku Dileen 25 Qof, Kuna Dhaawaceen 39 Kale

Somali government soldiers and African Union Mission in Somalia (AMISOM) peacekeepers secure the scene of a suicide car explosion in front of the SYL hotel in the capital Mogadishu January 22, 2015. The Somali Islamist group al Shabaab claimed responsibility for a bomb attack at the gate of the hotel where Turkish delegates were meeting on Thursday, a day ahead of a visit by their president, Tayyip Erdogan, to the Somali capital. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA - Tags: CIVIL UNREST POLITICS CRIME LAW MILITARY)

Muqdisho (HCTV) – Kooxda Al-shabaab oo War ka soo saartay Weerar Xubno ka tirsani ku qaadeen Huteelka SYL oo ku yaalla meel ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dileen illaa 25 Qof oo u badan Askar.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Cabdicasiis Abu Muscab oo ah Afhayeenka Hawl-gallada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarka Al-shabaab ku qaadday Huteelka oo qaatay illaa 8 Saacadood lagu dilay 25 Qof, kuwaasi oo Al-shabaab sheegtay inay isugu jiraan Saraakiil Cidan, Xubno ka mid ah Millateriga Dawladda Soomaaliya iyo Booliska, Ilaalada Madaxtooyada, shaqaale Dawladeed iyo Ciidammada Amniga ee Dhar-cadda ah.

Al-shabaab waxa kale oo ay sheegatay in kala badh khasaaraha ka dhashay Weerarka Huteelka SYL uu soo gaadhay Ciidammada dawladda ee lagu soo tababbaray Turkiga, xilli ay isku dayayeen inay weerarka soo afjaraana laga dilay illaa 13 Askari.

Al-shabaab waxa kale oo ay warkeeda ku sheegtay in weerarka ay ku dhaawaceen 39 Qof oo ay ku jiraan Xildhibaanno iyo Wasiirro hore, kuwaasi oo huteelka ku sugnaa xilliga weerarku dhacay.

Ugu dambayn, Warka Al-shabaab sheegtay ayaa ka hor-imanaya War ay Booliska Soomaaliya ka soo saareen khasaaraha Weerarka Huteelka Xalay lagu qaaday, kaasi oo ahaa inay weerarka ku dhinteen lix Ruux oo laba Boolis yihiin.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka