Doorashada Guud Ee Boqortooyada Ingiriiska Oo Gashay Saacadihii U Dambeeyey

London, (HCTV) – Doorashadii guud ee Boqortooyada Ingiriiska oo loo dareeray maanta ayaa gashay saacadihii ugu dambeeyay, iyadoo malaayiin qof la filayo inay go’aankooda ka soo saaraan dhibaatada ka taagan ka bixitaanka Midawga Yurub, waxaanay codbixintan Khamiista maantu ay qaabayn doonta sida  Boqortooyadu uga baxayso Midawga Yurub.

Codbixintan ayaa soo afjari doonta xilli olole xumo ka dhex aloosnaa inta lagu gudajiray xilligii Raysal Wasaaraha Boris Johnson oo ka soo jeeda xisbiga Conservative Party iyo xisbiga Labour-ka oo uu hogaamiyo Jeremy Corbyn ay aragtiyo kala duwan ay ku bixiyeen arintaasi.

Doorashadan oo markii ugu horeysay muddo boqol sano ah la qabanayo bisha December ayaa waxaa ay daba joogtaa doorashooyinkii horay uga dhacay dalka Britain sanadihii 2015 iyo 2017.

Goobaha codbixinta oo gaaraya 650 xarumood oo ku kala yaala guud ahaan England, Wales, Scotland iyo waqooyiga Ireland ayaa lagu wada in saaka afarta barqanimo ay furmaan.

Marka ay dhamaato codbixinta afarta saac ee habeenimo, waxaa bilaaban doonaa tirinta codadka, inta bandanna natiijada ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo saacadaha hore ee maalinta jimcaha.

Doorashadan ayaa lagu doorran doonaa xildhibaano gaaraya 650, waxaana xisbiga helaa kuraasta ugu badan ee barlamaanka uu noqonayaa ra’iisul wasaaraha dalkaas.

Sanadkii 2017-da, deegaan barlamaaneedka bartamaha Newcastle ayaa ahayd halkii ugu horeysay ee natiijadeeda lagu dhawaaqo saacado uun kaddib markii ay goobaha codbixinta xidhmeen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.