Somaliland: Maxkamadda Sare Oo Burisay Dacwad Ka Dhan Ahayd Go’aannada Golaha Guurtida

Hargeysa (HCTV) – Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa burisay Dacwad ay Toddobaadkii hore u gudbiyeen Odayaasha Madasha Wada-tashiga, Dacwaddaasi oo ka dhan ahayd  Muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyay Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga ee Somaliland, Xasan Guure Jaamac oo Maanta saxaafadda kula hadlay Afaafka Maxkamadda sare ee Hargeysa, ayaa sheegay in Maxkamaddu ay Dacwaddoodii burisay Dacwaddoodii isla-markaana aanay ka jawaabin nuxurka Dacwaddoodii oo ahayd in Go’aannada Guurtidu gaadho, sida Muddo-kordhintu aanay Sharci ahayn oo Maxkamaddu ka joojiso.

Xasan Guure Jaamac oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Sida Dadku ogyahay, Dacwad baanu ka soo gudbinay Golaha Guurtida iyo Go’aamadooda, Annagoo arkaynay in jiritaanka uu Golaha Guurtidu uu 20-ka sanadood jiray waxaanu u arkaynay in aanay Dastuurka Meelnaba kaga qornayn muddada in taa leeg in la fadhiyaa, xeer kasta oo la sameeyana waxa asal ah Dastuurka, inta Goluhu fadhiyayana Dastuurkaa Xaddiday.”

Mujaahid Xasan Guure waxa kale oo uu sheegay “Maxkamaddu markii hore way naga qabatay, laakiin Qaraarkay soo saartay wuxuu noqday oo ay Dacwaddayadii ku burisay Magaca Madasha la yidhaahdo..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka