Soomaaliya: Diyaarad Ku Burburtay Deegaan Ka Mid Ah Gobolka Hiiraan

Hiiraan (HCTV) – diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drone ayaa ku burburtay deegaanka Biyo-neef oo hoos taga degmada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan ee Dalka Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Dadka deegaanka, Diyaaradda oo ku burburtay meel bannaan ah ayaa waxa la sheegay inay burburkeeda dul heehaabayaan Diyaarado kuwa dagaalka ah, kuwaasi oo aan la garanayn Dalka laga leeyahay.

Wararka ka imanaya deegaanka Diyaaraddu ku burburtay ayaa waxa gaadhay Ciidamo ka mid ah kuwa AMISOM ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo gaadh ka qabtay burburka diyaaradda.

Sawirro laga soo qaaday burburka diyaaradda ayaa muujinaya qaybo ka mid ah diyaaraddaasi oo gubtay.

Illaa hadda lama oga Dawladda leh Diyaaradda burburtay iyo kuwo dul heehaabaya burburkeeda, balse Dawlado Maraykanku ka mid yahay ayaa hawl-gallo ka dhan ah Al-shabaab si joogto ah uga sameeya Deegaanno ka mid ah ka diyaaraddu ku dul burburtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka