“Madaxweynaha ii Magacaabay Kursigaa, Waxaan U Gartay Inuu Midayntii Dadka Bilaabay..” Wasiir Siciid Sulub

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed oo Dalka dibeddiisa ku maqnaa ayaa Maanta lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Wasiir Siciid Sulub oo hadal ka jeediyey Madashii lagu soo dhaweeyay ayaa sheegay inuu hore uga mid ahaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, sidaasi darteedna Xilka uu Madaxweyne Biixi u Magacaabay u fahmay inuu doorkiisa ka qaato midaynta Shacabka Somaliland oo wixii ka dambeeyay doorashadii 2017-kii ka dhacday Dalka aanay midnimadoodu wanaagsanayn.

Wasiir Siciid oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Anigu Waddani baan ahaa, aan ahaadee Madaxweynaha ii Magacaabay kursigaa Maanta waxaan u gartay uun inuu Midayntii Dadka bilaabay horena u waday, imikana bilaabay oo uu sii xoojinayo, Aniguna aan ka mid ahay Midayntaa, waxaan ku aqbalayna waa midaynta iyo inaan Dalka Cidna iga lahayn, Muuse iyo Cid kale toona.”

Mudane Sulub wuxuu sheegay in intaan la magacaabin marka loo sheego in xil loo dhiibayo uu Dadka u sheegi jiray inuu Dawladda la shaqayn doono hadday doonayso Talo run ah, haddii kalena aanu ku biirayn “Anigu wixii aan Dan ama Talo moodo Dawladda waan u sheegayaa, markaa Dawladdu hadday been doonayso oo aanay Talo run ah doonayn Annagu isku iman mayno, hadday Talo run ah doonaysana waanu is naqaanaa oo waxay odhan waar kaalay oo wax kordhi…” ayuu yidhi.

Warkan oo dhamaystiran Halkan hoose ka Daawo

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka