Dablay Hubaysan Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Bileys Oo Ku Yaala Gaalkacyo

Gaalkacayo, (HCTV) – Koox hubaysan ayaa caawo fiidkii weerar ku qaaday saldhig ciiddan oo ku yaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaanay kooxdani weerarkooda u adeegsadeen bambo gacmeedyo iyo rasaas.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaaladu ayaa tilmaamay in weerarkaan oo socday daqiiqado kooban ayay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidanka bilayska maamul goboleedka Puntland iyo dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka saldhiga la weeraray.

Kooxda weerarka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, Mana jirto ilaa iyo hadda cid weli sheegatay masuuliyada falkaan, laamaha amniga ayaa xidhay waddooyinka saldhiga, waxaa sidoo kale la adkeeyay ammaanka xarumaha ciiddamada ee waqooyiga Gaalkaycyo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.