Gabadh Kenyan Ah Oo Caagga Iyo Quraaradaha La Tuuro Ka Samaysay Agab Guryaha Lagu Dhiso

Nairobi, (HCTV) – Haweenay saynisyahanadd dhinaca deegaanka ah oo magaalada badhtamaha Kenya ku taala ee Gilgil kala shaqaysa ururinta caagadaha iyo quraaradaha ay dadku wax ka isticmaaleen ee hadhaagooda la soo daadiyo, ayaa agab guryaha lagu dhiso ka farsamaysay caagado iyo quraarado dadka deegaanka gaar ahaana hotellada, dukaamada iyo dugsiyadu ay isticmaaleen.

“In aynu caaga ku aasno dhulka hoostiisu wax macno ah ma samaynayso. Waxa aynu garaynayna habab kale oo wanaagsan,” ayay tidhi Mwanake, oo 30 jir ah, oo warshad ka aasaastay xadka Gilgil, oo 120km (75 miles) waqooyi kaga beegan Nairobi.

“Waxa aanu doonaynaa in aynu wax ku qabano dhamaan khashinka caagan, iyo kadibna aynu fikir, cilmibadhis iyo tijaabo, waxa aanu ka dhignay wax soo saar faa’iido leh oo laga helo suugyada, taasina sidoo kale waxa ay gacan ka gaysanaysaa inay hoos u dhigto caaga deegaanka waxyeelaynaya.”

Gacan aanu ka helnay ganacsato rafiiq nala ah iyo saynisyahan dhinaca deegaanka ah oo la yidhaa Kevin Mureithi, Mwanake waxa ay aasaastay shirkadda sanadkii 2016. Waa shirkaddii ugu horaysay ee dalka Kenya ee Caagadaha iyo Quraaradaha qashinka ah ka farsamaysa agabka guryaha dusha laga saaro iyo qalab kale oo dhismaha loo adeegsado.

Bilawga Arintana waxa uu soo jiitay Daraasiin kuwa guryaha dhista iyo ganacsatada yaryar sanadkan dhamaanaya.

Shirkaddu sidoo kale waxa ay taageero ka heshay dawladda Kenya, taas oo iyadu dhiirigalisa isticmaalka alaabta deegaanka ilaalinaysa oo qayb ka ah dedaao lagu yaraynayo qiiqa, korna u qaadaysa warshadaha dhismaha ee daalka Bariga AFrika.

“Korodhka dadka, baahida magaalooyinka, iyo balanta ah in la helo guryo haboon oo aan qayb ka qaadan wasakhowga hawada in la dhisto sanadka 2050, wax soo saarkanina waxa uu haystaa suuq muhiim ah,” sidaasi waxa sheegtay maamulka dhismaha u qaabilsan dalka Kenya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.