Xisbiga UCID Oo Dhaliilay Waxqabadd La’aanta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa, (HCTV) – Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo ka mid ah Saraakiisha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa dhaliilay waxqabad la’aanta Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay in xukuumaddu ay waxqabadkeedii sanadka ku darsatay inay la kulantay gudoomiyeyaasha warbaahinta madaxa banaan, halka sanadkii hore ku darsatay inay la kulantay xisbiyada mucaaradka ah.

Sidoo kale, waxa uu dhaliilay wax qabad la’aanta wasaarada caafimaadka oo uu sheegay inay dalka ku soo bateen cuduro faro badan, taasina ay sabab u tahay ilaalin la’aanta cuntooyinka iyo dawooyinka tayada leh.

“Xukuumaddu waxay waxqabadkeygi ku soo dartay inay la kulantay gudoomiyeyaasha telefishanada madax banaan, sanakdii hore waxay ku dartay waxqabadkeeda inay la kulantay xisbiyada mucaaradka ah., arrinkaasi wuxu keenay in falcelin badan laga soo celiyey, taasina waxay sababtay in xafladihii lacagta badan lagu qaban jirey iska daayaan oo muuqaal la daawado ka dhigaan waxqabadkeedii”ayuu yidhi Yuusuf kayse.

“Waxay sheegeen inay la kulmen beesha caalamka, waxaan madaxweynaha u sheegaya kulankaasi aad wax qabadka ka dhigateen bal wax ka aqbal oo waxay ku yidhaahdaana qaado beesha Caalamka ilayn waadigaa kulankoodii wax qabad ka dhigtaye”ayuu raaciyey hadalkiisii.

“Sanadkan waxa inagu soo kordhay cudur kuduudiye la yidhaahdo oo gobolka Togdheer ka dhacay, xanuunkaasi dad baa ku dhintay qaar badana halis bay u galeen, markii aanu Burco tagtay ee aanu ka hadalnay waxa noo jawaabay agaasimaha caafimaadka oo sheegay in aanu cudurkaasi dadka dilin isagoo aan tagin Burco”ayuu yidhi Yuusuf Kayse Cabdilaahi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.