Xaaska Madaxweyne Ku Xigeenka Zimbabwe Oo Loo Xidhay Iskudayga Dilka Saygeeda

Harare, (HCTV) – Dawladda dalka Zimbabwe ayaa xidhay xaaska Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Constantino Chiwenga oo magaceeda la yidhaa Marry Mubaiwa, taas oo loo xidha iskudayga dilka Saygeeda iyo arimo kale oo la xidhiidha musuqmaasuq, sida ay sheegtay waaxda la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalkaasi.

Marry Mubaiwa, oo ahayd Xaaska Madaxweyne ku xigeenka dalka Zimbabwe ayaa da’deeda lagu sheegay 38 jir, waxaana la xidhay galabnimadii maalintii Sabtida, waxaanay maxkamada ka soo hormuuqatay maanta oo Isniin ah.

Afhayeen u hadlay Guddida la dagaalanka Musuqmaasuqa ee (ZACC) oo magaciisa la yidhaa John Makamure ayaa ku gaabsaday in Haweenaydaasi loo haysto musuqmaausuq.

Guddidan la dagaalanka Musuqmaasuqa oo uu magacaabay Madaxweyne Emmerson Mnangagwa sanadkan, ayaa waxa ay guddidu ay culays farabadan kala kulmaysaa sidii ay u cidhibtiri lahayd musuqmaasuqa heerka sare gaadhay, kaas oo hay’adda Transparency International ay ku qiimaysay sanadkii in dalkaasi lagu lunsado $1bn.

Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa iyadu ogaatay in intii u dhaxaysay October 2018 iyo May 2019 Mubaiwa lagu eedeeyey in si sharci daro ah ay u gudbisay Koonfur Afrika lacag gaadhaysa  $919,000, inkasta oo ay beenisay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.