OXFAM Oo Rejaynaysa In Mustaqbalka Magdhow La Siiyo Soomaalida Dhibaatadu Ka Soo Gaadhay Isbeddelka Cimilada

Hargeysa (HCTV) – Hay’adda OXFAM oo ka mid ah Hay’adaha Caalamiga ah ayaa ka hadashay Shirkii Cimilada Adduunka ee lagu soo gebogabeeyay Magaalada Madrid ee Dalka Spain, kaasi oo Dawladaha ugu tunka weyni aanay ka soo saarin wax natiijo ah.

War-saxaafadeed ay Hay’adda OXFAM ka soo saartay Shirkaa natiijo la’aantu soo dhamaaday ayaa sheegtay inay rejo ka qabtay in Shirka Madrid laga soo saaro go’aamo wax lagaga qabanayo Wasakhowga Hawada, markaasi ka dibna ay Magdhow la siiyo Dadka Soomaaliyeed ee Dhibaatooyinku ka soo gaadheen Isbeddelka Cimilada Adduunka.

War-saxafadeedka OXFAM oo soo gaadhay HCTV ayaa u qornaa sidan “Shirwaynihii lagaga arinsanayey isbedelka cimilada (C0P 25) ee 2 – 13 December ka qabsoomay magaalada Madrid ee dalka Spain ayaa waxa uu ku soo dhamaaday natiijo aan fiicnayn.

Dowladahii  ka qayb galay shirkaasi ayaa waxa laga rajeynayey in ay la yimaaddaan qorsheyaal rasmi ah oo xal loogu raadinayo isbedelka cimiladda ayaa waxa ay isku af-garan wayeen arimo la xidhiidha xaga farsamooyinka iyagoo iska dhaga tiray baqyadii ay shacabku soo jeedinayeen bilihii u dambeyey.

Isbedelka cimiladu waxa uu saamayn taban ku yeeshay waddamadda dhaqaalahoodu hooseeyo sida Soomaaliya oo kale. Wasakhowga hawadda ayaa ah waxyaabaha ugu badan ee loo aaneeynayo Isbedelka cimiladda ayey guud ahaan qaarada afirka ku leedahay wax ka yar boqolkiiba shan haddana dhibaatooyinka ka dhashay isbedelkaasi cimiladu waxa uu si daran u sameeyey qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska afrika sanadihii u dambeeye waxa uu la il-.darnaa abaaro daba dheeraaday iyo roobab dufaano wata oo baabiye dalagyadii soo bixi lahaa.

“Bulshadda Soomaaliyeed waxa soo waajahay xaalado adag, roob la’aan iyo abaaro daba dheeraaday iyo waliba dufaano hor seeday barakac baahsan. Waxa aynu marag ka nahay dhibaatooyinka ay wajahayaan dadkaasi barakacay oo xoolihii ka dhamadeen, Waxaanu ka rajeynayn in Shirka ay ka soo baxaan qorsheyaal rasmi ah iyo magdhow la siiyo dadka isbedelka cimiladu saamaysay ee aan iyagu qaybta ka ahayn wasakhowga hawada. Waxaan ugu baaqaynaa waddamadaasi in ay la yimaadaan xal waara oo wax laga qabanayo xaalada cakiran ee ay sababtay isbedelka cimiladu” ayuu yidhi Amjad Cali oo ah Agaasimaha Xafiiska Oxfam ee Somalia.

Haweenka iyo caruurta ayaa iyagu ah kuwo aad ugu sii nugul dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimilada. Abaarta iyo biyo la’aanta ayaa culays badan sii saaraysa hooyoyinka Soomaliyeed oo iyagu masuul ka ahaa korinta iyo daryeelista ubadka iyo gurigaba. Haweenku waxa ay meelo aad u durugsan ka dontaan biyaha iyo xaabada taasi oo inta badan khatar galisa iyaga iyo ubadkoodba…”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka