Waa kuma Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haruun? (Akhri Taariikhdiisa)

Nairobi (HCTV) – Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun wuxuu ka mid yahay ka qeyb galeyaasha Kulanka Culumada Soomaaliya, oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna markii ugu horreysay madashaas uga hadlay taariikh nololeedkiisa.

Mu’tamarka uu ka qeybgalayay waxaa ka qeybgalay 12 culimo oo Soomali ah oo ay ka mid yihiin Sheekh cabdirashiid Sheekh Cali Suufi iyo Sheekh maxamed Idiris.

Wuxuu Nairobi ka socday 14 illaa 16-kii bishan December kaas oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen dhageystayaal badan oo su’aalo weydiiyay culimada.

Sheekh Mustafa Waxyaabaha uu ka sheekeeyay waxaa ka mid ah in marar badan ay xidhay dowladdii hore ee Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay dadkii isugu tagay kulanka Culumada wuxuu sheegay in aanu weligii Idaacad ama Telefishin uga warramin arrimaha ku saabsan taariikhdiisa, marar badan oo ay ka codsadeenna uu ka gaabsaday.

Waa kuma Sheekh Mustaf?

Ugu horreyn wuxuu si kooban uga hadlay, abtirkiisa, arrimaha qoyskiisa iyo dhalashadiisii.

“Reer wadaaddo ah baan ka dhashay, aabahay xaaji buu ku magac dheeraa, nin sheekh ah ayuu ahaa.” Wuxuu intaa ku daray in awowyadiina ay ahaayeen culimo.

Sheek Mustafa ayaa sheegay in uu ka mid yahay dadkii ku dhashay dhulalka baadiyaha ah, oo geed hoostiis lagu dhalay.

“Burco ayaan ku dhashay, wakhtigii isticmaarka ayaana dhashay, oo ah intii ayna dhalanin dowladda Soomaaliya”.

Intaas ka dib wuxuu ka war bixiyay taariikhdiisa dhinaca waxbarashada, ilaa heer jaamacadeed, wuxuuna yidhi: “Gobolka Togdheer ayaan ka dhigtay malcaamadda, dugsiga hoose, ka dibna waxaan ka baxay machadkii Jarmalka ee burco ku yaallay. Takhasuskeygu wuxuu ahaa farsamada korontada, Jaamacaddii Soomaaliyeed baanna ka baxay sannadkii 1980-kii”.

Waxbarashada dhinaca diinta wuxuu sheegay inuu ka helay culumada gudaha Soomaaliya joogtay.

“Anigoo magaalada Burco jooga ayey jabhadihii soo galeen, markaas ayaan waddanka ka baxay oo aan Yurub geeyay niman xanuunsan oo aan walaalo nahay, dowladdii Soomaaliyana waxay dhacday anigoo Yurub jooga”, ayuu yidhi Sheekh Mustafa.

“Meel kasta oo dad lagu xidho waa la igu xidhay”

Arrinta dad badan soo jiidatay ee qeybta ka ah taariikhda uu ka warramay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haruun, waxay ahayd xadhig marar badan ay u geysatay dowladdii hore ee Soomaaliya.

“Dugsiga farsamada ee uu Jarmalka ka dhisay magaalada Burco ayaan macallin ka noqday, laakiin muddo qiyaastii sannad iyo badh ah markaan joogay ka dib waxaa i xidhay dowladdii Soomaaliya”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku ku sii daray: “Dowladdaas Soomaaliyeed ma rabo wax badan inaan ka sheego, laakiin inta meelood ee ay wax ku xidhi jirtayba waan soo maray.”

“Saldhig boolis waa la igu xidhay, NSS waa la igu xidhay, xero guul-wade waa la igu xidhay, xero milatari waa la igu xidhay, dhabarjabin waa la igu xidhay, jeel waa la igu xidhay, mararka qaarkood waxaan xabsiga ku jiray sannado, waligeyna maxkamad la ima taagin”.

Sheekh Mustafa ayaa sheegay inuu Dalka dibaddiisa dagganaa illaa sannadkii 1999-kii, ka dibna uu u soo guuray magaalada Hargeysa.

Kulanka ee uu Sheekh Mustafa taariikhdiisa kusoo bandhigay ayaa ah kii labaad ee ay isugu yimaaddaan culumaa’udiinka Soomaalida.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: BBC