Algeria Oo Loo Doortay Madaxweyne Cusub

Algeria (HCTV) – Algeria ayaa u dabaal-dagaysa doorashada Madaxweyne cusub oo loo doortay Dalkaasi.

Madaxweynaha cusub ee Algeria loo doortay ayaa ah Abdelmadjid Tebounne ayaa da’diisu tahay 73.

Mr Tebounne oo mar soo noqday Raysal-wasaaraha Algeria, ayaa beddelaya Abdelaziz Bouteflika oo Dibed-baxyo ka dhacay Guud ahaan dalka Algeria ku khasbeen inuu Iscasilo, ka dib markiii Dadweynuhu diideen qorshe uu ku doonayey inuu mar shanaad isku soo taago xilka Madaxweyne-nimo, taasi oo Dastuurka Algeria aanu ogolayn.

Mr Tebounne wuxuu ku guulaystay boqolkiiba 58 cod-bixinta, waxaanu ballan-qaaday inuu la kulmi doono hoggaamiyeyaasha Dadka Dibed-baxyo ka dhiga Dalka Algeria, kuwaasi oo dalbada in la maareeyo khilaafaad siyaasadeed oo Dalkaa ka taagnaa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka