Hay’adda Lacagta Adduunka Oo Ka Hadashay Qorshe Qayb Ka Ah Deyn Cafinta Soomaaliya

Hargeysa (HCTV) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee Magaceeda loo soo gaabiyo IMF ayaa la hadashay Qorshaha Deyn Cafiska ee Soomaaliya.

Agaaismaha maamulka ee hay’adda IMF Kristalina Georgieva oo Shir-jaraa’id qabatay ayaa amaantay dedaalka socda ee Habka Deyn Cafiska ee Soomaaliya, waxayna tidhi “Guddiga fulinta hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) wuxuu meel mariyey qorshe maaliyadeed oo Gacan ka geysanaya abaabulidda ilaha looga baahan yahay IMF si ay u qaadato doorkeeda deyn dhaafka Soomaaliya, qorshahan wuxuu ku tiirsan yahay dedaal ballaadhan oo Caalami ah, oo ku saleysan xubnaha  kaalmooyinka Lacageed ee ay bixiyaan iyo qoondo laga helayo ilaha gudaha..”

Qorshaha ayaa ah mid ay IMF doorkeeda kaga qaadanayso Deyn Cafiska la doonayo in hay’addu u samayso Soomaaliya, sida Agaasime Kristalina Georgieva sheegtayna tallaabadan ayaa ah mid lagu doonayo in lagu taageero Soomaaliya si ay ugu soo laabato jidkii Saxda ahaa.

“Cafinta deymaha Soomaaliya waa mid ka mid ah waxyaabaha horutabinta u leh hay’adda Lacagta Adduunka, waxaan dhiirri-galinayaa teegaarada ka imaanaysa xubnaha muhiimka u ah arinkan garoowshahooda ah in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dib u habeynta dhaqaalaha  si waafaqsan barnaamijka kooxda la socodka hay’adda Lacagta Adduunka (SMP)…” ayay tidhi, Agaasimaha fulinta ee Hay’adda Lacagta Adduunka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka