Saraar: Deegaanka Gawso-Weyne Oo Calool Xanuun Ka Dilaacay

Caynaba, (HCTV) – Deegaanka Gawso Weyn oo ka tirsan Gobolka Saraar ayaa waxa ka dilaacay xanuun ay dadka deegaankaasi u yaqaanaan Calool Xanuunka.

Isu-duwaha Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Saraar Maxamed Abokor Suudi oo baaqa xanuunkaasi ka jawaabaya ayaa waxa uu deegaankaasi gaadhsiiyey daawooyin kala duwan.

Socdaalka uu Isu-duwaha Wasaarada Caafimaadku uu ku tagay deegaanka Gawso WEyne ee oo ka tarisan gobolka Saraar ayaa waxa ku weheinayey masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Saraar.

Waxaana halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah shaqaalaha Xanaanada deegaanka Gawso weyne oo uga mahadceiyey Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Saraar dawooyinkan uu soo gaadhsiiyey iyo sida uu uga jawaabay baaqii ay u direen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.