“9 Guri Oo Diinta Kiristaaanka Lagu Faafinayay Ayay Soo Xidheen Guddiga Wanaag-faristu..”

“9 Guri Oo Diinta Kiristaaanka Lagu Faafinayay Ayay Soo Xidheen Guddiga Wanaag-faristu..”

Nuxurka War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Puntland Iyo Jubbaland Ay Garoowe Ku Yeesheen
UCID Iyo WADDANI Oo Soo Magacaabaya Xubnaha Ku Matalaya Komiishanka Cusub Ee Doorashada
Shiinaha oo Dhisay Masaajidka ugu Balaadhan Qaaradda Afrika.
Aasaasihii Shabakada WikiLeaks Oo Hal Sano Oo Xabsi Ah Lagu Xukumay
Maqaal: Dadka Maxaa Ka Dhaxeeya ? (Kali Kali illaa Koox Koox) !!

Hargeysa (HCTV) – Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaa-reebista ayaa sheegay inay xidheen 9 Guri oo loo kiraystay Faafinta Diinta Kiristaanka isla-markaana ay Mastaafuriyeen Dadkii hawshaa ku jiray.

Sheekh Cali Maxamuud oo ka mid ah Xubnaha Guddiga wanaag-farista iyo Xumaan reebista Somaliland oo ka hadlayey Munaasibad Guddigu ku soo bandhigeen waxqabadkooda ayuu ku sheegay inay wax weyn ka qabteen Dadkii caadaystay inay Caayaan Diinta iyo Ilaahay, illaa xilligii la aasaasay Guddigaasna ay arrintaasi yaraatay.

Sheekh Maxamed Cali oo ka hadlaya Guryaha loo kiraystay Faafinta Diinta Kiristaanka ee ay xidheen ayaa yidhi “Guddiga wanaag farista iyo Xumaan reebista waxa la gaadhsiiyey lixda Gobol ee Somaliland ka kooban tahay. Waxqabadkoodana waxa ka mid ah, 9 Guri oo Diinta Kiristaanka lagu faafinayey ayay xidheen, Dadkii wadayna (Faafinta Diinta Kiriistaankana) way mastaafuriyeen…”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: