Wefigii Somaliland Ee Siday Gargaarka Beleadweyne Oo Muqdisho Gaadhay

Muqdisho (HCTV) – Waxa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya lagu soo dhaweeyay Wefti ka socda Somaliland, kuwaasi oo sida Qaadhaan ay ugu talo-galeen Dadka reer Beledweyne ee Webiga shabeelle ku fatahay isla-markaana ka barakiciyey Magaaladoodii.

Weftigan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Jamaal Caydiid ayaa waxa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka mid ah Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Weftiga oo lagu wado inay gaadhaan Magaalada Beledweyne ayaa intii aanay Hargeysa ka dhoofin waxay Saxaafadda u sheegeen inay sidaan qaadhaan lacageed oo dhan 6 boqol oo kun oo Dollar, taasi oo Xukuumadda Somaliland, Ganacsatada iyo Shacabku ugu tabaruceen Shacabka Beledweyne ee dhibaatadu ka soo gaadhay Fatahaadda Webiga shabeele.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka