Dawladda Soomaaliya oo amartay in la xidho Xisaabaadka Dadka ku shaqaysta Sarrifka Forex

HomeSomali News

Dawladda Soomaaliya oo amartay in la xidho Xisaabaadka Dadka ku shaqaysta Sarrifka Forex

Ugu Yaraan 12 qof Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Ethiopia
Erdogan Oo Sheegay In Dawladdiisa Lagu Casuumay Inay Shidaal Ka Soo Saarto Soomaaliya
Beesha Caalamka Oo Soo Dhaweysay Shirka Dib U Heshiisiinta Galmudug
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Dawooyin Iyo Raashin Gaadhsiiyey Gobolka Togdheer
Ciidamada COMMANDOS Ee Somalia Oo Hawlago Ku Soo Furtay Maxaabiis Ay Alshabaab Haysatay.

Muqdisho (HCTV) – Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in la xidho dhammaan Akoonnada ay Soomaaliya ku leeyihiin Dadka ku shaqaysta Sarrifka lacagaha qalaad ee loo yaqaano (Forex), kaasi oo lagaga dhex shaqeeyo Internet-ka.

War ka soo baxay Baanka dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu amray in la xidho Akoonnada Soomaaliya ka furan ee lagaga shaqeeyo Sarrifka Forex, Maalmo ka dib markii Culimo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ay sheegeen in adeegga Forex uu yahay Xaaraan isla-markaana uu fasahaadinayo dhaqaalaha ummadda, haddii aan laga hor-tagin.

Amarka ayaa ku socda Baananka Ganacsiga ee sida gaarka loo leeyahay, waxaana sidoo kale la amray inay soo gudbiyaan Cadadka lacagaha ku jira Akoonnada la amray la xidho.

Halkan hoose ka akhri War-saxaafadeedka Baanka Soomaaliya

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS