Ivory Coast Oo Soo Saartay Waaran Lagu Xidhayo Musharax Madaxweyne

Abidjan, (HCTV) – Dacwad-oogaha dalka Ivory Coast Nichard Adou ayaa soo saaray waaran lagu xidhayo Guillaume Soro oo ah Musharax Madaxweyne oo u tartamaya Madaxtinimada,  kaas oo doonayey inuu dalkiisa ku soo noqdo ayaa diyaaradii siday loo diiday inay soo qaado, waxaana go’aankani ku soo beegmayaa xili ciidamada amaanku ay qabsadeen Xarunta Guud ee xisbigiisa.

Ninkan Musharaxa ah oo hore u ahaa hogaamiye maleeshiyo ayaa qorshuhu uu ahaa inuu ku soo noqdo dalka Ivory Coast – kadib lix bilood oo uu ka maqnaa, waxaana wakhti xaadirkan ay arinta waaranka xadhiga ninkani ay xiisad ka abuurtay dalkan ku yaala Galbeedka Afrika, oo 2010-kii ilaa 2011-kii doorashooyinku ay ku dhamaanayeen rabshado u dhexeeya taageerayaasha dhinacyada loolamaya.

Dacwad Oogaha Qaranka, Richard Adou ayaa u sheegay telefishanka dawladda in waaranka qabashada Soro la soo saaray, isla markaana ay ciidamada sirdoonku ay hayaan cadaymo muujinaya inuu qorshaynayo falal amaan daro ah inuu qaado dhawaan.

Wuxuu sheegay Soro, oo hore u ahaan jiray gudoomiyaha golaha shacabka, sidoo kale waxa ku socda baadhitaan la xidhiidha lunsiga lacagta dadweynaha iyo lacagta la dhaqay oo gaadhaysa 1.5 bilyan oo CFA francs ($ 2.4 milyan).

Shan iyo toban ka mid ah taageerayaashiisa, oo uu ku jiro Alain Lobognon, oo ah gacanta midig ee Soro ayaa sidoo kale la xidhay Isniintii iyaga oo lagu soo oogay eedo kala duwan, xeer ilaaliyaha ayaa yidhi.

Lobognon, af hayeenka xisbiga Soro’s Generations and People in Solidarity (GPS), ayaa goor sii horeysay u sheegay wariyeyaasha in diyaaradda musharraxa loo weeciyay “ka hor tagiisa” caasimada Ghania, Accra, ka hor istaagaysa inuu ku soo laabto “si uu uga qeyb qaato doorashada”.

Ciidamada amniga ayaa soo weerarey xarunta GPS wax yar ka dib qoraalka. Shaqaalaha amniga ayaa sidoo kale joogay garoonka diyaaradaha, sida uu soo sheegay weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo jooga goobta.

 

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA