Sawirro: Muxuu Daarranaa Socdaal Uu Caawa Madaxweyne Biixi Ku Tagay Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa ?

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Caawa kormeer kedis ah ku tagay Cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Sidaana waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi  Cabdi, ayaa caawa Kormeer kedis ah ku tegay Cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxaana uu  Madaxweynuhu kormeerkiisan ku  booqday Bukaanada jiifa Cusbitaalka oo uu ku booqday waadhadhka, waxaana kormeerka ku wehelinayey Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga Cabdikariim Axmed Xinif, Ergeyga gaarka ah ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Maxamuud Yuusuf Muuse.

Madaxweynaha ayaa qof qof isu dul-taagay bukaanada isagoo halkaasi ku xaal waraystay islamarkaana u sheegay in ujeedadiisu tahay inuu ogaado sida loogu shaqaynaayo bukaan jiifka, waxaana uu halkaasi ugu duceeyey dhammaan  dadka xanuunsanaya oo uu Ilaahay uga baryey madaxweynuhu inuu xannuunka ka dul qaado caafimaad taam ahna ugu beddelo.

Dhanka kale waxa uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ku tegay  qeybta ay wax ku bartaan ardayda Jaamacada Hargeysa ee barata caafimaadka, waxaana uu halkaasi kula kulmay macalimiin ajaanib ah kuwaasi oo kasoo jeeda waddanka Turkeyga islamarkaana tababar dhanka qaliinka ah siiya ardayda Jaamacada Hargeysa ka barata caafimaadka.

 Madaxweynaha ayaa Dhakhaatiirtaasi uga mahadceliyey dedaalkooda iyo tacabka ay ardayda gelinayaan, sidoo kalena waxa uu ardayda ku dar-daaray inay wax badan ka faa’idaystaan khabiirada caafimaad ee wax u dhigaya, wakhtigoodana gelinaya dalka..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka