Isreal Oo Sheegtay Inuu Khalad Ahaa Weerar Ay Ku Dileen 9 Qof Oo Falastiiniyiin Ah

Isreal (HCTV) – Ciidammada Dawladda Isreal ayaa sheegay in Duqayn diyaaradahoodu ay ku dileen 9 Qof oo isku qoys ah ay u dhacday si khalad ah.

Ciidammada Isreal ayaa sheegay in Duqayntu dhacday, markii la bixiyey Amar iyadoo la xaqiijin halka la beegsanayaa inay tahay halka ay ku sugan yihiin Dad ay ku sheegeen inay khatar ku yihiin Shacabka Isreal.

Duqaynta ay ku dhinteen 9-ka Qof ayaa dhacday 14-kii bishii la soo dhaafay ee November, 2019.

diyaaradaha Isreal ayaa Duqeeyay Guriga uu Magaalada Qasa ku leeyahay Rasmi Abu Malhous oo Ciidammada Isreal loogu sheegay inuu yahay Hoggaamiyaha Jabhadda Islamic Jihad oo ah Jabhad ka dhaqdhaqaaqda dhulka la haysto ee Falastiin.

Laakiin, Ninka Gurigiisa la weerarray oo aan ahayn ninka la moodayey iyo 8 Qof oo kale oo Qoyskiisa ah ayaa weerarkaa ku Geeriyooday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka