“Ramaax Uma Xidhna Baashe, Ee Koox Heego La Yidhaahdo Ayuu U Xidhan Yahay..” Waddani

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay Xadhigga Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), kaasi oo Shalay Ciidammada Boolisku ku xidheen Xarunta Ciidammada dambi-baadhista ee Magaalada Hargeysa.

Afhayeenka Ciidammada Booliska Faysal Xiis Cilmi oo Shalay Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Ramaax la xidhay ka dib, markii uu ka soo dacwooday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, kaasi oo uu Ramaax hore ugu eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay Siyaasiyiin xilal ka haya Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ku hawlan sidii loo burburin lahaa Somaliland.

Laakiin, Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Gar-yaqaan Barkhad Jaamac Batuun oo Maanta la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa sheegay in Xadhigga Ramaax yahay Xadhig siyaasadeed oo Xukuumaddu ay shacabka kaga jeedinayso hadal-haynta sababta doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanku dib ugu dhaceen.

Afhayeenka WADDANI waxa kale oo uu xadhigga Ramaax ku xidhiidhiyey inay ka dambeeyaan koox uu sheegay in la yidhaahdo ‘Heego’, kuwaasi oo uu xusay inay Dawladda awood qarsoon ku leeyihiin, Dalkana dhibaato ku hayaan.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose ka Daawo

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka