“Dirawallo badan-baa Markay Ardayda Qaadayaan Yidhaahda Waa Salool..” Wasaaradda Waxbarashada JSL

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa digniin u dirtay Dirawallada wada Gaadiidka qaada Ardayda Dugsiyada.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Axmed Abokor iyo Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, Khadar Baaruud oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in loo baahan yahay in Dirawallada Basaska qaada Ardaydu ay Masuuliyad muujiyaan xilliga ay sidaan Ardayda.

 

“Maamuleyaasha Dugsiyada waxaanu ku boorinaynaa inay ilaaliyaan Ardayda markay Dugsiyada tagayaan iyo markay ka soo noqonayaanba, Waayo? Masuuliyiin iyo Dirawallo badan ayaa markay Ardayda qaadayaan waxay yidhaahdaan waa Salool, Salool maaha ee Ilmo Bani-aadam ah oo weliba Qiimo leh oo xilligii loogu jeclaa maraya, markaa inaad xil iska saartaan ayaa loo baahan yahay, Ciddii iska saari waydana Tallaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa..” ayuu yidhi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, Axmed Abokor, waxaanu Tacsi u diray Waalidka dhalay Gabadh Ardayad ahayd oo dhimatay markii uu Gaadhi jiidhay.

 

Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, Khadar Baaruud oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Gacanta lagu hayo Gaadhigii jiidhay Ardayadda iyo Ninkii lahaa Gaadhigaba “Ninkaa iyo Gaadhigiisiiba gacanta ayaa lagu hayaa (Gaadhiga jiidhay Ardayadda), Ninkaasi laba dambi ayuu galay, mar wax buu tahriibinayey, marna Inan yar oo dhallinyaro ah ayuu qudha ka gooyey, Ilaahay ha u naxariisto..” ayuu yidhi, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka